Kenya oo si adag uga jawaabtay Eedeyntii uga timid dowlada Jabuuti

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay eedeymo dhowr ah oo dhawaan uga timid dowlada Jabuuti ay kula jiraan loolanka helitaanka kursi ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Waraahinta la hadlay dhawaan ayaa sheegay in Dowladda Kenya aan lagu aamin Karin amniga Gobolka ayna abuureyso xiisado.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya,Aadan Barre Ducaale,  ayaa si kulul uga jawaabay eedeynta uga timid dowlada Jabuuti, waxa uuna sheegay in nasiib daro iyo khalad tahay in Jabuuti ku eedeyso xasilooni daro.

“Hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaakey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yiri Aden Bare Ducaale

Aadan Barre ayaa sheegay in Kenya ka qeyb qaadato xasiloonida iyo nabad galyada wadamo Afrika kuyaala ay ku jirto Soomaaliya, waxa uuna xusay in ciidamo ka badan 40-kun Kenya uga maqan yihiin nabad ilaalin.

“Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa Jabuuti ugu faanay in ay hada wataan calankii Midowga Afrika ayna kaga guuleesteen Jabuuti codkii MIdowga Afrika ku qaaday matalaada kursiga ka banaan Qaramada Midoobay.

“Annagu hadda waxaan wadannaa calankii Midowga Afrika, Jabuuti waxaan ku kala baxnay codeyn, waxaan helnay 37 cod iyaguna waxay heleen 13 cod, marka waxaan leenahay walaalkeen Maxamud, oo ah nin wasiir ah oo sharaf leh, in haddii ay Jabuuti wali sii wado Ol’olahaas ay ka dhigto mid diblomaasi ah” Ayuu yiro Aadan Barre.

Dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa loolan adag ugu jira ku guuleesiga kursi ka banaan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ,waxaana la filayaa in labadan wadan midkood kursigaasi kusoo baxo.

- Advertisement -