Sheekh Shariif Isagu ma ilaaliyay Sharciga uu sheegayo in lagu tumanayo !?(Xaqiiqda Ogow)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, shirkiisi jaraa’id ee shalay wuxuu ku sheegay “in Farmaajo isagoo suut iyo boorso wata uu isaga magacaabay”, xilli kale uu Shariif meel fagaare ka hadlay uu sheegay  in Farmaajo uu ka dhex xushay musharraxiin badan, kuna qancay garashadiisa iyo gudashadiisa”.

Haddii uu Farmaajo yimid isagoo suut iyo boorso wata ,laakin aad ku xulatay aqoon iyo aqool, miyuusan aheyn muwaadin u qalma? maxaa keenay MANNA SHEEGASHADA? Aad na bartidee Farmaajo maxaa dhacay ka dib?

Malaheygu, dadka wey iloobeen, laakin Farmaajo ma iloobin.

Todobo bilood keliya ayuu Farmaajo la shaqeeyay Shariif, kadibna xilkii waa iska casilay. Muxuu isku casilay baa?….

Wuxuu isku casilay kadib khilaaf soo kale dhex galay xukuumadda iyo baarlamaanka oo uu xilligaas guddoomiye ka ahaa ninkii aad taqaaneen ee Shariif Xasan Sheekh Aadan .

Si xiisadaas loo dejiyo ayaa labo Shariif waxay Kambaal ku saxiixdeen hashiis ay shisheeyuhu gadaal ka riixayeen kaasoo qeyb ka ahaa in Farmaajo is CASILO, iyadoo la qancinayo Shariif Xasan iyo shisheeye kale.

Shariif Sheikh axmed, kama labalabeyn inuu saxiixo, isagoo u arkay “XAL” in ra’iisul wasaarihii uu aqoonta iyo kartida kusoo xushay inuu is casilo BILAA SHARCI loona tanuusulo Shariif Xasan, taasoo noqotay tagto aan xasuusteeda tirmeyn.

Sida uu Shariif Sheikh Axmed sheegay, waxaa hashiika Kambaala loo bandhigay Farmaajo oo xilligaas howl aad u wanaagsan ay xukuumaddiisa dalka ka qabatay, sida isku dubaridkii howlaha ciidamada iyo mushaar bixintooda.

Farmaajo wuxuu awooday xilligaas inuu ka biyo diido inuu is casilo dhankiisana ka dagaaalamo, laakin markuu arkay maamul xumada jirta, sharci ku tumashada, go’aamada liitay ee Shariif, wuxuu doorbiday inuu is casilo xilkana uga tago.

Haddii Shariif uu ilaalinayo sharci iyo dowladnimo xilligaas ayey ku habooneyd inuu difaaco ra’iisulwasaarihii uu isaga keensaday, wax qabadka badnaa, lana dagaalamo cidii markaas sharciga jebisay.

Farmaajo wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu wax qabadka badnaa ka dib burburkii dowladdi dhexe, todobo bil uu xilkaas haayay wuxuu kasbaday quluubta shacab badan. Wuxuu tagay isagoo la tabayo laakin tiisa laga door biday tan shisheeyahay gadaal ka riixayo.

Markale ayuu Farmaajo soo rogaal celiyay oo u halgan u galay sidii uu xilka madaxweyne oo xilli loogu awood sheegtay markan isaga inuu madax ka noqdo. Nasiib wanaag, ugu danbeyn wuxuu xaqiijiyay himiladaas.

Shariif oo ay labo guularro xanuun badan ku dhaceen, uguna darneyd inuu xilki madaxweyne qabtay ra’iisul wasaarihii uu shaqada beri ka ceyriyay ayaa hadda ku andacoonaya in Farmaajo sharcigi ku tuntay. Sharciga uu Shariif hadda nagala hadlayo waa kee?

Ma midka, isagoo madaxweyne QARAN soo noqday uu kaga qeyb galayo xaflad uu isku caleemo saarayo Axmed madoobe doorasho uu is doortay una sharciyeeyo xilli la ogyahay qaabki ay ku dhacday doorshadaas, tiiyoo ay jirto diidmada dadka deegaanka, midda dowladda iyo tan beesha caalamka. Kaba sii darane, in Axmed Madoobe ay garab siineyso dowladda Kenya oo dooneysa inay qaadato qeyb ka mid ah bada soomaaliya dacwadeeduna leysku hor fadhiyo.

Dowladnimada uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif usoo halgamay, ma tan uu kaga aamusay inuu hal maalin xitaa dhaleeceeyo xadgudubyada Kenya ee dalka iyo dadka Soomaliya ku heyso.

Mise, midka isaga horay u jebiyay ee Farmaajo lagu riday. Haddii Shariif isagana la yiri “doorashada Madoobe sharci ma aha, ka joog ma sharci darraa?”

Shariif wuxuu yiri “dowladnimada waan usoo halgamay”. Halgankaagu micnihiisu ma inuusan jirin sharci ku celin karaa?.

Aan xasuusiyo Shariif in Farmaajo qaranka usoo shaqeeyay diblumaasi safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka u fadhiyana ahaa dowladdii dhexe, xilli shariif aan sheekadiisaba wax sheega jirin.

W/Q  Abdinaasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

- Advertisement -