Nin Boorso lacag badan ku jirtay helay oo diiday in abaal marin la siiyo (Daawo Sawirada)

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Bangaladesh kuna nool magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga ayaa soo jiitay indhaha bulshada dalkaasi iyo kuwa caalamka kadib markii boorso lacag ku jirtay uu helay u celiyay qofkii lahaa.

Mossan Rasal, oo 23 jir ah, ayaa wado dhax marta magaalada Roma ka helay boorso yar ay ku jirtay lacag gaareysa $2200 , waxaa sidoo kale boorsada ku dhax jiray kaararka bangiyada lacagaha lagala baxo iyo dukumiintiyo kale oo muhiim ah.

Ninkan daacada ah ayaa la sheegay in markii uu helay boorsada lacagta ku jirtay uu si toos ah u aaday saldhiga booliiska ee ugu dhawaa si uu ugu wareejiyo boorsadada uu helay ayna ku jireen lacagta iyo dukumiintiyada kale.

Booliiska ayaa durba la xariiray ninka boorsada ka dhuntay waxa ayna abaabuleen kulan dhax maray ninka baadidda ka maqneyd iyo ninkii helay, waxaana goobtaasi boorsadiisa lagu siiyay ninkii ay ka luntay.

Mossan Rasal ayaa looga mahad celiyay daacadnimada uu sameeyay, waxaana layaab noqotay markii ninkan uu iska diiday lacag abaal marin ahaan ama baadi fur loo siiyay ,isagoona cadeeyay in uusan rabin maadaama uusan lacagta isagu laheyn.

” Anigu ma sameyn wax khaas ah oo la iigu mahad celiyo, waayo lacagta aan helay anigu malaheyn, ma aanan garaneynin tirada lacagta ku jirta boorsada sababtoo ah ma aanan tirinin, isla markii aan arkayba iyadoo sideeda ah ayaan geeyay saldhigga booliska, waxa aan sameeyay wuxuu ahaa inaan daacad noqdo, sidaasna waxaa horay ii soo baray qoyskeyga” ayuu yiri Mossan Rasal.

Ninkan Sheekadiida dadka badan soo jiidatay ayaa dalka Talyaaniga kunool mudo 7-sano ah, waxa uuna mehrad yar oo ganacsi ku dhax leeyahay magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -