Xarunta labaad ee Wasaarada Maaliyada Somalia oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Swedan ee Soomaaliya  ayaa xariga ka jaray xarunta labaad ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya

Xaruntan oo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa waxaa dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyey gacan ka geysatay Dowladda Sweden.

Safiirka Swedan ayaa sheegay in ujeedada Dowladiisu u taageertay dhismaha Xaruntani ay tahay sidii Shaqaalaha Qaranka u heli lahaayeen xarumo ku filan oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa dhisma kale oo la mataana ah dhismahan si shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u helaan xafiisyo ku filan.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Swedan kaga mahad celiyay dhismaha xaruntani waxaana uu sheegay in xarunta yareyneyso culeyskii haystay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Mahdi Max’ed Guuleed ayaa bogaadiyay Howlaha ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda dalka oo suura galiyay in sare uu u kaco aqliga dalka lana kordhiyo Miisaaniyada Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -