Deni oo dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka Kubada cagta Boosaaso (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari, qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulka gobolka bari kan degmada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku weheliyey madaxweynaha daawashada ciyaartaan oo loogu magac-daray is-dhexgalka bulshada iyo booliska Boosaaso.

Deni oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta Nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland, sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska.

Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowladdu ugu deeqday lacag dhan ($200,000) labo boqol oo kun oo doolar dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso.

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka sheego in Dowladda Puntland Diyaar u tahay horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha, waxay halkaan ku ballan qaadaysaa inay ugu deeqi doonto garoonkaan dhismihiisa dowladdu waxay bixin-doontaa lacag labo boqol oo kun ah (200,000) waxaan kaloo rajaynayaa in hay’adda UNHCR ayaduna ay bixindoonto lacag ku dhow ($300,000) saddex boqol oo kun oo doolar, markaas waxaan rajaynanaa in lacagtaas $500,000 shanta boqol oo kun ah ay ka qeyb qaadan doonto horumarka isboortiga waxaan kaloo degmada iyo laamaha amniga faraynaa garonka hortiisa in la baneeyo guryaha sida sharci darada ah ugu dhisan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -