Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Warbaahinta New Zealand oo qaadeysa talaabo Muslimiinta lagu taageerayo

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand haweeneyda la yiraahdo Jacinda Ardern, ayaa shaacisay tallaabooyin ay qaadayso Jimcaha soo aaddan si ay garab istaag ugu muujiso dadka Muslimiinta ah.

Wareysi ay siisay Aljazeera ayaa waxey hoosta ka xariiqday in warbaahinta laga sii deyn doono aadaanka salaadda Jimcaha ee soo aaddan, iyadoo arrintaa looga golleeyay in garab istaag loo muujinayo muslimiinta.

Sidaas oo kale, waxey ku dhawaaqday in labo daqiiqo la aamusi doono Jimcaha, xaflad baroordiiq ah oo la filayo iney ka soo qeybgalaan hoggaamiyeyaal ka kala imaanaya dowladaha caalamka.

Waxay sheegtay in xasuuqii Christchurch uu ahaa fal argagixiso ah oo qof kaliya uu iskii u sameeyay, kaasoo lagu beegsaday dad New Zealand u dhashay oo doonayay iney salaad ku tukadaan meel ay u haysteen iney tahay aamin, waxeyna sheegtay in fikirka uu aaminsanaa ninka weerarka geystay uu ahaa mid la cambaareeyo oo aan sinaba lagu ogolaan karin.

Jacinda Ardern waxey qiratay iney jiraan dad aaminsan fikirka ninkii xasuuqa geystay, laakiin ay yar yihiin, ayna ku dadaalayaan iney ilaaliyaan sumcadda New Zealand

Dowlada wadankaas aya si weyn u garab joogsatay muslimiintii tan iyo markii jimcihii  labo masaajid lagu xasuuqay dad muslimiin ah, waxaana maalmo ka hor kulankii baarlamanka ee dalkaas lagu furay aayado quraan an, iyadoo raisul wasaare Jacinda Ardern ay xiratay xijaab si ay taageero ugu muujiso muslimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Biixi oo si adag uga jawaabay Amarkii kasoo baxay DFS

Cabdi Cade

Dilal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo ka hadlay Gacan ka hadalkii ka dhacay gudaha Diyaarada Turkish Airlines

Cabdi Cade
Taboola Ads ---