Boorsooyinka Caruurta Iskuulka oo Qabuuro matalaad ah laga sameeyay iyo Sababta keentay (Sawirro)

Hay’adda Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNICEF ayaa boorsooyinka ay caruurta Iskuulka u qaataan ka sameesay qabuuro matalaad ah si ay ugu muujiso dhibaatada caruurta kasoo gaarta goobaha ay colaadaha ka jiraan.

UNICEF  ayaa 3,758 boorsada ciyaalka Iskuuleyda ah dul dhigtay dhul banaan oo laga matalayay Qubuuro,  waxaana qabuurahan lagu matalayya caruurtii sanadkii hore 2018-ka ku dhintay goobaha ay colaadaha ka jiraan ee caalamka katirsan.

 

Barnaamijkan lagu sameeyay qabuuraha matalaada ah ayaa shalay oo talaado ah ka bilaabatay magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka waxa ayna soconeysaa ilaa beri oo talaado ah.

Agaasimaha Hay’adda Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay UNICEF Henrietta Fore  ayaa sheegtay in boorsooyinka iyo ficilka ay sameeynayaan uu yahay astaan lagu muujinayo rajada Carruurta.

Caruur badan ayaa sanad kasta ku geeriyooda goobaha ay colaadaha ka jiraan, waxa ayna UNICEF hada dooneysaa in hogaamiyaasha caalamka la tuso dhibaatada colaadaha kasoo gaarta caruurta si wax looga qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -