Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ra’isul Wasaare Kheyre oo laga codsaday Magdhaw iyo sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta halkaasi kulan ku yeesheen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo qaar kamid ah Waxgaradka Baydhabo.

Sida aan Wararka ku helnay Waxgaradka Ra’isul Wasaare Kheyre la kulmay ayaa ka dalbaday in dowlada raali galin iyo magdhaw ka bixiso dadkii sanadkii hore ciidamada dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ku dileen dibad baxyadii Baydhabo.

Waxa ay sheegeen Odayaasha in diyaar u yihiin la shaqeynta dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed balse ay qabaan tabasho, waxa ayna ka codsadeen Kheyre in dowlada Magdhaw ka bixiso dadkii Baydhabo lagu laayay xiligii doorashada Koonfur Galbeed.

Odayaasha la kulmay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka codsadeen in si shuruud la’aan ah Xabsiga looga sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku xiran xabsi kuyaala Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu dhageestay tabashada Odayaasha Baydhabo, waxa uuna balan qaaday sida aan wararka ku helnay in dowlada magdhaw ka bixin doonto dadkii la dilay sidoo kale arinta Abuu Mansuurna wax laga qaban doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/dkNWr7NiEUc

Related posts

Daawo Sawirada: Isbitaalka Baladweyne oo ku dhaw in uu xirmo kadib markii biyo badan galeen

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo fariin deg deg ah u diray dhinacyadda ku dagaalamaya Baydhabo

Caydiid Ali

Miyaa Dalalka Saboolka ah Laga Qadin Doonaa Tallaalka Caabuqa Safmareenka ah Covid 19 ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---