Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhis lagu sameenayo Waddada Laamiga ee Via Uganda oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga Via Uganda oo ah waddada isku xirta isgooska Dabka iyo waddada Dekadda, isla markaana dhex marta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Munaasabaddan dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir, guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee gobolka Banaadir  iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan mashaariicda dhismaha waddooyinka caasimadda, isaga oo sheegay in wadadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo gaadiidka ganacsiga lagu sameyn doonno balaarin si loogu wada faa’ideysto.

Waxa uu xusay in waddooyinka caasimadda ee bulshada dhibaatada ku qabaan gaar ahaan waddada isku xirta isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha uu maamulka gobolka Banaadir dhawaan wax ka qaban doonno, si bulshada dib loogu celiyo canshuurta laga qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Adeegto khalad yar ay ka gashay Qoys Sacuudiyaan ah loo ciqaabay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shiinaha oo ka jawaabay eedeyn kaga timid ciidamada Maraykanka ee saldhiga ku leh Jabuuti

Caydiid Ali

Nin waxyaabaha qarxa mooto bajaaj ku waday oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---