Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Sargaal katirsanaa ciidamada AMISOM oo laga helay Muqdisho

Sargaal katirsanaa ciidamada booliiska AMISOM kana soo jeeda dalka Uganda ayaa shalay oo sabti ah meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Edward Bagonza oo kamid ahaa kaaliyayaasha Taliyaha Booliska AMISOM ee Soomaaliya, ayaa meydkiisa laga helay gurigii uu degnaa, lamana oga wali sababta keentay geerida sargaalkan AMISOM katirsanaa.

Sargaal u hadlay booliiska AMISOM oo lagu magacaabo Grace Turyagumanaw ayaa xaqiijiyay geerida sargaalka katirsan AMISOM, mana faah faahin sababta keentay geerida sargaalkaasi.

Booliiska AMISOM ayaa wada baaritaano ku aadan waxa keenay geerida sargaalkan katirsanaa ciidankooda, lamana oga wali in sargaalkan uu is dilay iyo in si caadi ah u geeriyooday.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan AMISOM ayaa marar badan meydadkooda laga helay xeryo iyo goobo kale ay Muqdisho kaga sugnaayeen, qaar kamid ah saraakiishaasi ayaana la sheegay in iyaga gacantooda isku dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/KR1a5QamEB4

Related posts

Ciidanka Dowladda oo si buuxda ula wareegay Degmada Ceeldheer iyo DF oo ka hadashay

Cabdi Cade

Ciidanka Federaalka Itoobiya oo lagu wareejiyay Wariye Cabdimaalik Coldoon

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya Iska hor imaad maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---