Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Federaalka Itoobiya oo lagu wareejiyay Wariye Cabdimaalik Coldoon

Ciidamada Liyuu booliis ee maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa jimcihii degmada Gaashaamo waxa ay ku xireen Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo labo wariye kale oo la socotay .

Wariye Coldoon iyo Wariyaasha kale ee la socotay ayaa ku howlanaa uruurinta warbixino la xariira tacadiyadii ciidamada Liyuu booliis u geesteen dadka shacabka xiligii uu talada maamulka hayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Sida aan wararka ku helnay Wariye Coldoon ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Jigjiga waxa uuna maalmo kahor tagay eegmada Gaashaamo si halkaasi warar iyo warbixino baaritaano u badan uga soo tabiyo.

Ciidamada Liyuu booliiska ee xiray Wariye Coldoon iyo Wari`yaasha kale ee lala xiray ayaa u gudbiyay ciidamada Federaalka Itoobiya sida uu Warbaahinta u sheegay Axmed Warsame Cabdulle oo kamid ah Waxgaradka Gaashaamo.

Mamaulka Soomaalida ayaan wali ka hadlin xariga Wariye Coldoon oo deegaanka Soomaalida Itoobiya tagay markii uu isbadalka dhacay, waxaana Coldoon soo dhaweeyay maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu celiyey dalka Turkiga ka db markii..(Sawirro)

Caydiid Ali

QM oo shaacisay xad gubyo culus oo ka socda gudaha Itoobiya

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo qaaday talaabo aad loola yaabay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---