Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeesay ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Q/M

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeesay sanadkan ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee  Qaramada Midoobey oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in sanadkan Madaxweyne Farmaajo Soomaaliya ku matalayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaana shirka ka jeedin doona khudbad dheer uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhinaca hor marada iyo guulaha ay dowlada gaartay intii uu talada hayay.

Farmaajo ayaan ka qeyb galin shirka  Golaha Guud ee  Qaramada Midoobey labadii sano ee lasoo dhaafay sababo la xariira dhalashada dalka Mareykanka uu heestay, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaan dhawaan dib u celiyay dhalashadii Mareykanka uu heestay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caqabad waxa ku ahaa ugana baaqsaday kulamadii hore ee Qaramada Midoobay heesashada Baasaboorka Mareykanka, maadaama uusan xasaanad ku heleyn baasaboorkaasi lana mid noqon lahaa muwaadiniinta caadiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -