Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay codsiga Kenya u dirtay Maxkamada ICJ

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga soo horjeesatay dalabka Kenya u gudbisay Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kaasoo ay ku codsatay in dib loo dhigo dhegeysiga dacwada badda oo lagu wado in 9-ka bishan ay ka bilaabato xarunta Maxkamada.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad uga xuntay talaabada ay qaaday Kenya, isagoo xusay inaan wax cudur-daar ah aan loo heli karin codsiga ka yimid Kenya.

“Tallaabada ay Kenya qaadday waxay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraaday ee dhex yaalla labada dal, mowqifka dowlada Soomaaliyana waxaa uu yahay in cadaaladu shaqeyso oo aan dib loo dhigin dhegeysiga dacwada” ayuu yiri danjiraha.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iney ka qeyb gasho dhegeysiga dacwada, balse ay ka war sugayso go’aanka ay maxkamadu ka qaadato dalabka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca, lama oga go’aanka maxkamada balse dacwado dhowr ah oo horey loo geeyey maxkamadan ayaa dib loo dhigay markii ay sidaas dalbadeen mid ka mid ah dalalkii ku lugta lahaa dacwadahaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -