Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal ka tirsan Al shabaab oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Ciidamada dib u xoreynta Deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay degaano hoostago degmada Ceeldheer.

Ninkaan ayaa mudo dhowr sano ah ka tirsanaa al shabaab waxaana uu uga biiray Deegaano dhaca gobolka Bakool.

Waxaa uu magaciisa uu ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar.

Maxamed Khaliif oo ka mid ah  Saraakiisha Ciidamada Deeganka ayaa gacanta ku soo dhigay ka dib markii la helay xogtiisa.

Howlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa Deeganada Qorya-wayn iyo Hulcaduur oo Hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Related posts

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodob xasaasi ah

Caydiid Ali

Shir arrin muhiim ah looga arrinsanayo oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax lagu aasay meel ku dhaw Masaajid kuyaala Muqdisho oo la fashiliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---