Kulan uu qabsan lahaa Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh oo la joojiyey

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay inuu joojiyey seminaar Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ku qabsan lahaayeen hotel ku yaalla Baydhabo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya seminaarkaan la qaban lahaa gelinka dambe ee maanta waxaana Xisbigu sheegeen in lagu wargeliyay inay baajiyaan kulankaas, ka dib markii ay la soo xiriireen masuuliyiin ka tirsan Koonfur galbeed.

Xubnaha Xisbiga ayaa xusay in loo sheegay amniga Magaaladu uusan fiicneyn loona baahan yahay in la xaqiijiyo.

Saraakiil ka tirsan Xisbiga UPD ee uu hogaaminyo Xasan Shiikh ayaa sheegay inay aaminsan yihiin inay jiraan arrimo siyaasadeed oo ka dambeeya baajinta kulanka ay ku qabsan lahayeen Magaalada Baydhabo.

“Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hotelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Senator Hussein Shiikh Mohamud oo ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo Xasan Shiikh.

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa ku eedeeyey dhowaan dowlada talada heysa iney wado caburin iyo cabsi gelin.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan illaa hadda si rasmi ah uga hadlin sababta ay u joojiyeen kulankan, dhowaan ayeyna aheyd markii ciidanka NISA ay sidan oo kale u joojiyeen seminaarka ay Muqdisho ku qabsan lahaayeen xisbiga Wadajir ee uju hogaaminyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -