Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Guddiga farsamo ee hanaanka doorashada dalka

Wareegto caawa kasoo baxday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay labada Xubnood ee Galmudug ku matalaya guddiga farsamo ee ka baaraandagaya hannaanka doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaana u magacaabay in guddiga farsamo ku matalaan Kamaal Guutaale oo horey uga mid ahaa musharaxiintii ka biyo diiday doorashadii Galmudug iyo siyaasiga Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel).
Halkan ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye,
Markuu arkay ;  qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-

1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel)
2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -