Kenya oo Qorshe cusub degtay Qoraalna u dirtay Maxkamadda Caalamiga ee IC

Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska Dacwadda muranka Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya oo lagu wado in dalka Holand ka furanto  9 Bishaan September.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Paul Kihara ayaa qoraal uu u diray Maxkamadda Caalamiga ee ICJ kaga dalbaday in dib loo dhigo dhageysida dacwada, waxa uuna xusay in Kenya dooneyso ay qoroto koox cusub oo difaacda una baahan yihiin waqti dheeraad ah.

Paul Kihara ayaa qoraalka uu u diray Maxkamada caalamiga ku sheegay in 9 bishaan ilaa 13 bishan aysan suurto gal u aheyn un ay ku tagaan Maxkamadda Duruufo kala duwan oo heysta owgeed.

Dowlada Kenya ayaa qorshahan cusub la timid si waqti dheeraad ah u hesho uguna cadaadiso dowlada federaalka Soomaaliya in kiiska Maxkamada laga soo celiyo laguna dhameeyo wadahadal.

Kenya ayaa aaminsan in aysan guul ka gaareyn dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya, waxa ayna Dowlada Kenya rabtaa in wadooyin kale oo maxkamada aheyn lagu xaliyo kiiska Murabka badda ee labada dal u dhaxeeya.

Soomaaliya ayaa horey u cadeesay in aysan wadahadal ka galeyn dacwada muranka badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, waxa ayna dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku kalsoontahay Maxkamada Caalamiga ee ICJ oo gacanta ku heysa kiiska dacwada.

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -