Qatar ku soo fool leh Malaayiin Soomaali ah iyo digniino laga soo saaray

Sida ay sheegayso kooxda la socota sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada adduunka ee FAO dad ka badan labo milyan oo ku nool Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay wajahaan cunno yari aad daran, nafaqo darro baahsan iyo inay hanti beelaan iyadoo la saadaalinayo qiyaastii hal milyan oo carruur ah inay nafaqo darro ku dhacdo illaa bartamaha sanadka soo socda ee 2020-ka

Shir jaraa’id oo lagu qabtay Muqdisho ayay kooxdu ka sheegtay in loo baahan yahay gurmad caalami ah si looga baaqsado in arintu gaarto meel khatar ah.

Abaaraha ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay nolosha dadka reer guuraaga iyo beeraleyda sida kooxdu sheegtay.

La-taliyaha dhinaca farsamada ee Kooxda Sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO Daniel Mola ayaa sheegtay iney aad u yaraadeen dalaggii soo go’ayay sababo la xiriira abaaraha ka taagan Soomaaliya, taasoo uu sheegay iney ka dhalan karto xaalado adag oo nololeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -