Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi) oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar kaasoo sida ay sheegtay isku soo dhiibay iyaga.

Xasan Mahdi oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Idaacadda ku hadasha codka Al-shabaab ee Andalus ayaa sheegay inuu muddo saddex bilood ah uu agaasime madaxtooyo u ahaa Max’ed Cabdi Waare oo ah Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Mas’uulkan isdhiibay ayaa sheegay inuu isaga baxay siyaasadda ku dhisan wax uu ugu yeeray shisheeye la shaqeynta ee ay ku dhaqmaan maamullada ka jira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi) oo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ku xambaartay arintan ayaa haatan ku sugan degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo Al-shabaab ay gacabta ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Madaxweyne Trump oo lagu taageeray Dacwada uu ka gudbiyay Natriijada Doorashada

Cabdi Cade

Xaliima Yarey oo hal qodob ku eedeeysay qaar ka md ah madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo labo todobaad u qabtay Masuuliyiin hore

Caydiid Ali
Taboola Ads ---