Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirada Galmudug oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey…

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariya ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa ugu horreyn waxaa warbixin looga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo ka warbixisay amniga guud ee Galmudug iyo Howlgallada lagu sifeynayo al shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar leh uga socda deegaannada Galmudug.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo ka warbixisay mashaariic kaabayaal dhaqaale ah oo dhawaan ka billaabanaya Galmudug sida Dekada Hobyo, dhismaha Waddooyinka Caasimadda Galmudug iyo Wadddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo cadaado, dhismaha Xarunta Baarlamaanka oo hada maraya meel gebogebo ah iyo sidoo kale dhismaha Garoonka Caasimadda oo si dardar ah ku socda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta loo qeybiyay nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka Sharciga Maalgashiga Shisheeye ee Galmudug.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda Galmudug 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan iyo Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Related posts

Jaamacado badan iyo iskolaad kuyaala Muqdisho oo la xiri doono iyo Sababta keeneysa

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Falanqeyn:- Ma ka dhici kartaa dalka nooc muddo Kordhin ah oo Mucaaradku ogolyihiin?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---