Baarlamaanka Jubbaland oo War kasoo saaray Xayiraada Diyaaradaha iyo Xariga Janan (Sawirro)

Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kaga hadleyn xayiraada dowlada federaalka Soomaaliya kusoo rogtay diyaaradaha taga Kismaayo iyo xarigii Muqdisho loogu geestay Wasiirka Amniga Jubbaland.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarka dowlada federaalka Soomaaliya kusoo rogtay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo iyo waliba kuwa ka yimaada.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada in amarka dowlada kusoo rogtay diyaaradaha uu saameyn badan ku yeeshay dadka shacabka ah maadaama la hakiyay duulimaadkii tooska ahaa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa sidoo kale si kulul uga hadlay xarigii magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland oo maalmo kahor lagu xiray magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in ay dhowrto sharciga dalka u degsan , waxa ayna ka codsadeen Madaxda dowlada in si deg deg ah xuriyadiisa loo siiyo Wasiirka ku xiran Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -