Ciidamada AMISOM oo baneynaya degmo ay Muddo shan sano ah ka howlgalayeen

Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa kala wareegay ciidamada AMISOM Amaanka degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada AMISOM ayaa ammanka Degmada Warshiikh Gacanta ku hayay muddo badan 5 sano.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugnaa halkaasi ay dageen xerada Qorilow oo ku taalla duleedka magaaladaasi, iyagoo isku diyaarinaya iney halkaas ka ambabaxaan.

Munaasabadda ay ciidamada Booliska HirShabelle kula wareegeen amniga ayaa ka dhacday degmada Warshiikh.

Ciidamada AMISOM ayaan wax dhibaato ah kala kulmin intii ay joogeen degmada Warshiikh oo ka mid ah degmooyinka ugu xasiloon gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -