Allbanaadir.com
NEWS

Maxamed Qanyare Afrax oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in uu geeriyooday Allaha u naxariistee Siyaasiga Maxamed Qanyare Afrax oo horey Xildhibaan iyo Wasiir uga soo noqday Dowladihii dalka soo maray.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay gaar ahaan Isbitaalka Digfeer oo daaweyn loo geeyay, waxaana la sheegay in uu goordhaw xanuunkii hayay u geeriyooday.

Qanyare ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna mar kamid ahaa Hogaamiyaashii maamuli jiray magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano aad ugu dhawaa Farmaajo oo u weecday Xasan Sheekh taageerana u muujiyay…

Cabdi Cade

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL oo la sheegay in shirko lagu ahaa !!

Cabdi Cade

Xaafadda Qof walba uu Xarig ku dulsocon karo iyo Waxa ku dhaliyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---