Heyadda Amnesty oo War ka soo saartay xarigii loo geystay Wasiir Cabdi Janan

Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ka soo saartay xarigii maalmo ka hor ciidamada dowlada Somalia kula kaceen Wasiirkii amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Janan.

Amnesty ayaa tallaabo wanaagsan oo muhiim ah ku tilmaamtay xarrigii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo loo heysto xadgudubyo dhanka baniaadanimada, waxaana ay ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad rayid ah loo soo taago.

“Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrila ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango.

C/rashiid Janan oo ka mid ah raga sida weyn ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu qabtay garoonka Aadan cadde, waxaana ka mid ah dembiyada loo heysto dil xabsiga degmada Doolow loogu geystay afar maxbuus oo ku xirnaa kaasoo ay geysteen ciidamo isaga amar qaata sida ay sheegeen saraakiisha booliska dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -