Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka oo ka hadlay weerarkii lagu laayey askarta badan

Major Maxamed Cali oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu laayey askar iyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

“Waxaan beero ku yaalla duleedka degmada Afgooye ku weerarnay Al-Shabaab, ka dib markii aan helnay xog sheegeysa iney halkaas joogaan xubno ka tirsan al-Shabaab” ayuu yiri Major Maxamed Cali

“Afar ka tirsan mintidiinta ayaan dilnay, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciidankii way soo laabteen waxaana halkaas uga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Kadibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari,” ayuu xaqiijiyey Major Maxamed Cali oo la hadlay Reuters.

Askarta dhimatay ayaa waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo ciidanka halkaas ku sugan haystay iyo saraakiil kale.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, “Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna way baxsadeen,” waxaa sidaas yiri afhayeenka howlgallada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -