Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo godadka ugu daatay kooxda Daacish

Maamulka Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa ka warbixisay hawlgal qorshaysan oo maanta ciidamada difaaca Puntland ku qaadeen togga Miraale, kaasi oo dhammaystir u ah wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad.

Hawlgalka Miraale oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayay ciidamada difaaca Puntland guul taariikhi ah ka gaareen, kaddib markii ay godadka ugu daateen firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee halkaasi ku go’doonsanaa, sida ay sheegtay dowladda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay mileeshiyaad ka tirsan argagixisadii ku dhuumanayay nawaaxiga ceelka Miraale islamarkaana laga saaray godadkii.

“Ciidanka oo maanta hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey Argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii. Dhameystirka Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada difaaca Puntland, ayaa wada howlgalladii ugu dambeeyay ay ku doonayaan in ay kusoo afjaraan kooxda Daacish ee wali ku dhuumaaleesaneysa buuraha Calmiskaad.

 

Related posts

Rag dhibaato ka geesanayay xaafado katirsan Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo la wareegay daljirka Dahsoon iyo jidadka Magaalada oo xiran (Sawirro)

Caydiid Ali

Geeddi socodka dhamaystirka Dastuurka oo dib loo bilaabay (Shan cutub oo Miiska saaran)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---