Al-Bashiir oo kashifay halka ay ka timid Malaayiin dollar oo laga helay hoygiisa

Labo dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq ayaa lagu soo oogay madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar Al-Bashir oo haatan xabsiga ku jira.

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo marki ugu horreysay maxkamadda lagu dhex weydiiyay ayuu Al Bashiir sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo uusan carrabaabin.

Al-Bashiir ayaa isku difaacay in lacagahaasi uusan u adeegsan danahiisa gaarka ah.

Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad keeni doono marqaatiyaal.

Garsoorihi maxkamadda ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir. Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda goo’aan ka gaari doonto 7-da bisha September.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -