Diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraat ah oo lagu xayiray Garoonka Boosaaso

Wararka ka imaanaya garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in garoonkaasi maanta lagu xayiray diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraatka Carabta u dhalatay.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada amaanka garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa xanibay diyaaradan kadib markii saraakiil raaci laheyd ay diideen in la baaro boorsooyin ay wateen.

Diyaaradan ayaa waxaa lagu waday in ay raacaan saraakiil u dhalatay dalka Imaaraatka Carbata oo tababarayay ciidamada maamulka Puntland, waxaana diyaaradan lagu xayiray kadib is maandhaaf soo kala dhax galay ciidamada amaanka iyo saraakiisha Imaaraatka.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu fasaxo diyaaradan diyaaradan ay raacayaan saraakiisha Imaaraatka, waxaana garoonka Diyaaradaha Boosaaso tagay saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland.

Maamulka Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso iyo maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xayiraadan la saaray diyaarada lagu waday in garoonka Diyaaradaha Kismaayo ka qaado Saraakiil Imaaraat ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xili ay sii xoogeesaneyso xiisada u dhaxeysa dowlada Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, waxaana isbuucii hore garoonka Aadan Cadde lagu qabtay 10-Malyan oo Doolar oo saraakiil Imaaraat ah ku wateen boorsooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -