Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Garowe: Dhalinyaro aroos ka soo laabatay oo shil lama filaan ah ku geeriyootay

Afar qof oo saddex ka mid ah dumar yihiin ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garowe.

Waxaa sidoo kale shilkan ku dhaawacmay taliye ku-xigeenkii qeybta booliiska gobolka Nugaal, Cismaan Maxamuud Buraale, kaasoo isbitaalka Garowe lagu daweynayo.

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee gobolka Nugaal, Col. Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal) ayaa sheegay in shilku ka dhacay agagaarka tuulada Sinujiif oo Garowe bari ka xigta qiyaastii 60km.

“Xilliga uu shilku dhacayay oo ahayd labadii habeenimo ee saq dhexe ayay dhalinayaradu ka soo laabteen aroos baadiye oo ay ka qeyb galeen, waxaana la rogmaday gaari nooca raaxada oo ay wateen ka dib markii uu si lama filaan ah wadada uga baxay.” ayuu yiri Col. Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal)

Maydadka dad dhintay ayaa la geeyey isbitaalka Garowe, halkaasoo ay joogaan dadweyne badan oo isugu jira qoysaskooda iyo axsaabtooda, waxaana la aasi doonaa isla maanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Marwo Samsam Ibraahim Cali oo noqotay..

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo iyada oo toos loo arkayo lagu toogtay Johannesbur

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu horkacayey oo dalka ku soo laabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---