Duqa Muqdisho oo kulan Xasaasi ah la qaatay ku xigeenadiisa (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa saakay xafiiskiisa kulan xasaasi ah kula qaatay Gudoomiye kuxigeenada maamulka iyo xoghayaha gobolka.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay amaanka xarunta gobolka Banaadir iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana Gudoomiyaha gobolka warbixino ka dhageestay Gudoomiye kuxigeenada gobolka .

Waxaa sidoo kale kulanka Gudoomiyaha gobolka la qaatay Xubnaha sare ee maamulka gobolka looga hadlay in la dardargaliyo howlaha ay dowlada hoose Xamar ugu adeegeyso bulshada ku dhaqan caasimada Muqdisho

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga digay kuxigeenadiisa musuq maasuqa iyo maamul xumada, waxa uuna cadeeyay in siyaasadiisa hogaamineyd qeyb ka tahay islaxisaabtanka iyo ladagaalanka musuq maasuqa.

Kulanka Gudoomiyaha gobolka Banaadir la qaatay kuxigeenadiisa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay yeeshaan tan iyo markii uu xilka la wareegay , waxaana laga dhursugayaa isbadalka hogaamineed uu la yimaado Duqa cusub ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -