Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo Xajka sanadkan u diiday Shiikh caan ah

Dawladda Sucuudiga ayaa u diiday inuu waajibaadka Xajka soo guto sanadkan Sheekh caan ah oo lagu magacaabo Sheekh  Ahmed Guma kaasoo u dhashay waddanka Nayjeriya.

Sheekha oo ka mid ahaa dadkii sanndkan nasiibka u helay inay ka mid noqdaan liiska ka qayb geli doona Xajka, ayaa laga celiyey inuu galo magaalada Madiina iyada oo dawladda Sucuudigu ay u diiday in  uu Xajka soo guto.

Sheekhan oo caanka ah waddanka Nayjeeriya ayaa si weyn uga hadla arrimaha Caalamka Islaamka iyo siyaasadda Guud ee Adduunka isagoo marar badana si kulul u dhaleeceeyey hab dhaqanka boqortooyada Sacuudiga taasoo ay dhibsatay dawladda Sacuudigu.

Waxa uu markiisii hore wax ku soo bartay dalka Sucuudiga gaar ahaanna Jaamacadda caanka ah ee Umul Qura, waxaana ardaydii ay wax wada barteen ka mid ahaa Sheekha caanka ah ee Sheekh Sudaysi iyo culimo kale oo ka tirsan caalamka Islaamka.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhameestiray Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Donald Trump oo lagu helay Dambi culus laguna riday Xukun dan u ah Jean Carroll

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalka milateriga Israa’iil iyo Xoogaga Xamaas (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---