Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor arrimo kala duwan kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamarreeb kusoo dhaweeyay ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga Qaramada Midoobay kala  hadlay xaaladda guud ee dalka, heshiiskii Madasha, arrimaha doorashooyinka, la dagaalanka argagaxisada iyo sidoo kale arrimaha xasilinta.

Qoor Qoor ayaa u sheegay Catriona Laing in maamulkiisa ku guuleestay arrimo badan ay kamid yihiin la dagaalanka Al Shabaab, waxa uuna ku booriyay in Qaramada Midoobay sii kordhiso taageerada ay siiso maamulka Galmudug.

Ergeyga cusub ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing, ayaa booqashooyin kala duwan ku tageysa dowlad goboleedyada dalka, waxa ayna madaxda maamulada kala hadleysa arrimo badan oo labada dhinac khuseeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo & Wafdigiisa oo soo gebagebeeyey booqashadii dalka K/Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Joe Biden oo Laalay Wareegtooyin iyo Amaro uu horey usoo saaray Trump

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed- baxyo rabshado wata oo ka dhacaya Magaaloyin ka tirsan Israel

Caydiid Ali