Banaan bax looga soo horjeedo Go’aankii Dowlada oo ka socda Kismaayo (Daawo Sawirada)

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka socda banaan bax looga soo horjeedo go’aankii kasoo baxay Dowlada federaalka Soomaaliya ee lagu amray diyaaradaha taga iyo kuwa ka yimaada Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho.

Dadweyne badan oo isugu soo baxay magaalada Kismaayo ayaa muujinayay sida ay uga walaacsan yihiin go’aanka kasoo baxay dowlada ee culeeska lagu saaray diyaaradaha taga magaalada Kismaayo.

Banaan baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay kamid ahaayeen ,”Go’doomin gobol Guul miyaa, shacab la duleeyo guul miyaa, iyo sidoo kale ” Diyaarad joojin dowladnimo miyaa”.

Magaalada Kismaayo banaan baxa ka socda ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dowlada federaalka Soomaaliya soo saartay go’aan diyaaradaha taga Kismaayo lagu amrayo in ay yimaadaan Garoonka Aadan Cadde kahor inta aysan tagin Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -