Xildhibaano soo Dhaweeyay Qorshaha adkeynta amniga Dhuusamareeb

Taliyaha ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan howl galka nabad ilaalinta midawga Afirka ayaa shalay soo gaaray magaalada Dhuusamareeb si ay qayb uga qaataan dadaallada adkeynta Amniga caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug iyo goobaha lagu qabanayo shir-weynahad dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale oo ka war bixiyay kulan uu la yeeshay taliyaha ciidamada ayaa sheegay in socdaalka saraakiisha uu qayb ka ahaa dadaallada lagu ballaarinayo hagaajinta amniga si dhamaan bulshada Galmudug ay magaalada ugu joogaan nabad iyo kalsooni, gogosha dib-u-heshiisiintana ay uga soo baxdo natiijo wanaagsan.

Seneter Jawaahir Axmed Cilmi iyo Xildhibaan Cabdixakiim Macalim Axmed  ayaa labaduba waxa ay soo dhaweeyeen jawaabta ay dowladdu ka bixisay codsigii guddiga dib-u-heshiisiinta ee ahaa adkeynta amniga iyo dadaallada looga shaqeynayo is aaminaadda bulshada iyo ka mira dhalinta gogosha dib-u-heshiisiinta ee qorshaheedu yahay in loogu diyaar garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Taliyaha ciidanka AMISOM qeybta ka howl geleysa Dhuusamareeb, Gaashaanle dhexe Cusmaaniyo taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga ayaa labaduba ballan qaaday in ay ka shaqeynayaan sidii ay u guuleysan lahaayeen dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug Dhameys ah.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo mas’uuliyadi ka saarantahay in ay isu keenaan dhammaan reer Galmudug, si ay uga wada-hadlaan aayaha Galmudug ayaa horay u codsaday in magaalada Dhuusamareeb amnigeeda aad loo adkeeyo si ay u noqoto magaala u dhexeysa dhamaan reer Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -