Imtixaankii dugsiyada Sare ee Wasaarada Waxbarashada oo baraha bulshada lagu faafiyey

Fadeexad weyn ayaa soo wajahday Imtixaankii dugsiyada sare ee ay diyaarisay Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Somalia ka dib markii ardayda sanadkan ka qeyb qaadaneysa badankood ay heleen qishka imtixaankan oo la soo xaday.

Imtixaanka ayaa maanta ka bilowday boqolaal Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, waxaana ka qeyb qaadanaya kumanaan ardayda oo sanadkan dhameystay dugsiyada sare ee dalka.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa xalay illaa caawa si weyn isugu gudbinaya imtixaanka iyagoo adeegsanaya baraha bulshada sida facebook, whatsapp, imo iyo kuwo kale.

Wasaarada Waxbarashada xukuumada Somalia ayaa arintan walaac ka muujisay, iyadoo masuuliyiinta Wasaaradu soo saareen digniin  la xiriirta imtixaanka la faafiyey oo ay sheegeebn inuu yahay mid been abuur ah.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto dadka baraha Bulshadu ku faafinaya Imtixaano ay ku tilmaantay kuwo been abuur ah si ay u qaldaan ardayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasaarada ayaa ugu baaqday ardayda inay ku kalsoonaadaan naftooda ayna badiyaan aqriska casharada ay imtixaanka ku galayaan, uuna been abuur yahay imtixaanka baraha bulshada lagu faafinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -