Shirqoolo lagu beegsanayo Mucaaradka Axmed Madoobe oo la sheegay in Kismaayo ka bilaabatay

Siyaasiyiinta iyo dadkii kale ee kasoo horjeeday dib u doorashada Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in ay lasoo daristay cabsi la xariirta in dhibaato kala kulmaan ciidamada daacada u ah Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo Musharaxiinta isbadal doonka Jubbaland u doorteen Madaxweyne sidoo kale ah Xildhibaan katirsan golaha shacabka ayaa sheegay in Kismaayo ka bilaabatay shirqoolo lagu beegsanayo xubnaha isbadal doonka ah.

Waxa uu sheegay Mr Xidig in la beegsanayo xubnihii isbadal doonka ahaa gaar ahaan odayaasha dhaqanka, xildhibaanada Baarlamaanka isbadal doonka, iyo guud ahaan shacabka isbadal doonka ah.

”Dhamaan isbedel doonka Jubaland Waxaan idiin xaqiijinayaa inay bilaabatay Shirqoolo lagu ugaadhsanayo xubnihii isbedel doonka iyo Qaar kamida Xubnihii la doortay, golaha Baarlamaanka , Odoyaasha dhaqanka iyo Guud ahaan Shacabka isbedel doonka,waxaan idiin xaqiijinayaa inaanay marna hor istaagi karin geediga isbedelka Jubaland,dowlad kasta, Qof kasta iyo koox kasta oo kusoo duushana aan ka guuleysaneyno inshaalaah, Balanteenu waa tii aan wada galay:” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Hadalka Xildhibaan Xidig sidoo kale Madaxweyne loog doortay Kismaayo ayaa imaanaya xili ay cabsi xoogan lasoo daristay dadkii kasoo horjeeday Sheekh Axmed Madoobe ,kuwaa oo ka cabsi qabaa in dhibaato kala kulmaan ciidamada daacada u ah Axmed madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -