Cabdullaahi Goodax oo ku haray wareegii koobaad ee doorashada iyo labo musharax oo …

Waxaa goordhaw soo gabagabooday wareegii koobaad ee doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP063 oo ay ku tartamayeen ilaa sagaal musharax, waxaana kursigan horey ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Doorashada kursigan oo ahaa mid xiiso iyo xamaasd badnaa ayaa wareegii koobaad waxaa ku haray ilaa todobo musharax uu ku jiro Xildhibaankii horey ugu fadhiyay kursigan Cabdullaahi Goodax Barre.

Wareega ugu dambeeya ee doorashada kursigan waxaa isugu soo haray labada musharax ee kala ah Daahir Xaaji Aadan iyo Cabdirisaaq Macalin Ciid, labadan musharax ayaana helay codadka ugu badan ee doorashada.

Labadan musharax ayaaana kursiga waxaa ku guuleesan doona midkii cod dheeraada, waxaana doorashada kursigan noqday kii ugu xiisaha badnaa ayna ku tartamaan musharaxiintii ugu badnaa.

Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay wareegii koobaad

1. C/llaahi Goodax Barre wuxuu helay 10 cod.
2. Cabdi Afrax Guure waxa uu helay Waxuu helay 2 cod.
3. Cabdirisak Macalin Ciid 20 cod.
4. Daahir Xaaji Aaden 32 cod
5. Ibraahim habeeb Nuur 5 cod
6. Xiireey Axmed Rooble 8 cod
7. Maxamed Iidle Sabriye 10 cod
8. Nadar Tabaax Maalin 9 cod.
9. Yoonis Khaliif Xasan 1 cod.
- Advertisement -