Diyaarado sida ciidamo badan iyo hub oo saakay mar kale ka degay Dhuusomareen

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in saakay mar kale magaaladaasi ka dageen diyaarado Muqdisho ka qaaday hub iyo ciidamo aad u badan.

Dhowr diyaaradood oo ay la socdaan ciidamo u badan booliiska sida gaarka ah u tababaran iyo hub ayaa saakay ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb, waxaana ciidankan durba gudaha u galeen magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamadan iyo hubka dowlada geesay  Dhuusomareeb ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo amaanka magaaladaasi oo la filayo in ay gaaraan madax katirsan dowlada  iyo wafuud kale oo ka qeyb galeysa shirka Dib u heshiisiinta ee ka furmaya Dhuusomareeb.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay amaanka magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna dowlada magaaladaasi geesay ciidamo badan oo isugu jira milatari, booliis iyo nabad sugid Ahlu sunna kala wareegay amaanka magaaladaasi.

Kooxda Ahlu Sunna oo horey u maamuleysay ayaa lama filaan ku noqoptay in gacanta ka baxday magaaladii ay maamulayeen, waxa ayna Ahlu Sunna wadaan shirar iyo abaabul ay uga soo horjeedaan sida dowlada federaalka wax u wado.

Ciidankii Ahlu Sunna ayaa lagu biiriyay kuwa dowlada federaalka, waxaana qaar badan oo ciidankaasi kamid ah loo soo qaaday magaalada Muqdisho si tababar loo siiyo halka kuwa kalana xeryo ciidan lagu xareeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -