Nabadoon Cabdiraxmaam Jimcaale Agoon oo la dilay iyo Madaxweyne ka hadlay Dilkiisa

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa xalay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ku dilay Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon oo kamid ahaa waxgaradka Jowhar caanka ka ahaa.

Nabadoonka oo sidoo kale la sheegay in uu kamid ahaa shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinra Hormuud ayaan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeesay iyo waliba sababta ay u dileen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale Agoon .

Madaxweynaha ayaa tilamaamay in Allaha u Naxariistee Nabaddoon Cabdiraxmaan uu kaalin mug leh kasoo qaatay Dowlad Dhiskii Hirshabeelle kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha bulshada iyo midnimada ummadda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

- Advertisement -