Ciidamada loo tababaro dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ay ku biiraan Al Shabaab

Dowlada Uganda oo ay ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya ayaa ka digtay in ciidamada AMISOM laga saaro gudaha Soomaaliya ay u joogaan howlgalo nabad ilaalin ah iyo caawinta ciidanka dowlada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, Henry Okello Oryem, ayaa ka digay qorshaha lagu doonayo in AMISOM looga saaro Soomaaliya, waxa uuna xusay hadii AMISOM laga saaro Soomaaliya uu fashilmayo howlihii ay kasoo qabteen Soomaaliya.

Henry Okello Oryem ayaa sheegay in Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay doonayaan dhimista Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya iyaga oo ka fiirinaya qarashka ay ku bixiyaan ciidanka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda ayaa sheegay ciidamada loo tababaro dowlada Soomaaliya ay ku biiraan Al Shabaab, waxa uuna isweediiyay sida amaan loogu wareejin karo ciidamo Shabaab ku biiraya.

”Ciidamada loo tababaro dowlada waxa ay ku biiraan Al Shabaab ,ma Al-shabaab ayaan amaanka ku wareejinaa?, ma cabaneyno, laakiin waxaan ka murugsannahay Tayada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Henry Okello Oryem.

Uganda oo dhaqaalo badan ka hesha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in ciidanka AMISOM laga saaro Soomaalia ama la yareeyo tiradooda, waxa ayna Uganda ka cabsi qabtaa in ay weyso dhaqaalaha kasoo gala howlgalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -