Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo dhisanaya Caasimad cusub iyo Sababta keentay

Dowlada Indonesia ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku dhisto caasimad cusub , kadib markii caasimada dalkaasi ee Jakarta ay buux dhaaftay lagana cabsi qabo in qeybo kamid ah biyaha badda soo galaan.

Xukuumada talada Indonesia heysa ayaa Baarlamaanka dalkaasi u gudbineysa qorshaha lagu dhisayo caasimada cusub loogana guurayo caasimada Jakarta, waxaana Baarlamanaka hadii uu ansixiyo soo jeedinta Xukuumada la dhisi doonaa caasimada cusub.

Caasimada cusub ee dalka Indonesia ayaa la qorsheenayaa in laga dhiso  jasiirada dalkaasi ugu weyn ee Borneo, waxaana la filayaa dhismaha caasimadan cusub in ay ku baxdo lacag gaareysa 33 bilyan oo dollar.

Magaalada Jakarta ee caasimada Indonesia waxaa hada ku nool in ka badan 10 milyan oo qof, waxaana magaalada buux dhaafiyay qashin badan, Jakarta ayaana marka laga wareejiyo caasimada sii ahaan doontaa magaalada ganacsiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -