RW Khayre oo xil cusub u Magacaabay taliyihii Xilka laga qaaday ee ciidanka Asluubta

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa xil cusub u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliya oo dhowaan xilka laga qaaday.

Wareegto kasoo baxday Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loogu magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed, iyadoo wareegtada lagu sheegay sida ay muhiimka u tahay dib u howlgelinta Wakaaladii Dhismaha Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -