Booliiska dalka Koonfur Afrika, ayaa xabsiga dhigay una gudbiyay maxkamad madaxii dambi baarista ee booliiska Koonfur Afrika Jeneraal y , waxaana sargaalkan la xiray lagu eedeeyay in uu ku kacay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Sargaalkan ayaa habeenkii Khamiista ahaa la xiray, kaddib markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Or Tambo ee magaalada Johannesburg, waxaana xiray oo la wareegay saraakiil katirsan waaxda la dagaallanka musuqmaasuqa ee dalka Koonfur Afrika.
Jeneraal Khumalo , ayaa Jimcihii maanta lasoo taagay maxkamad kutaalla caasimadda dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, waxaa sidoo kale sargaalkan maxkamadda lala soo taagay ilaa lix sargaal kale oo katirsan booliiska ,kuwaa oo iyana ku eedeysan musuqmaasuq.
Warbaahinta dalka Koonfur Afrika, ayaa baahisay in Jeneraal Khumalo iyo xubnaha kale ee lala xiray loo heesto dambiyo ay kamid yihiin musuqmaasuq iyo ku takri falka lacagaha sirdoonka iyo magacaabisyo sharcidarro oo gudaha adeegga booliska Koonfur Afrika (SAPS) ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com