Faahfaahin: Duqeymo culus oo ka dhacay degmooyin ay gacanta ku hayso Al-Shabaab

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Degmooyinka Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobolka Jubbada dhexe ayaa ka mid ah meelaha la duqeeyey.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay in duqeynta lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin degmooyinkan, waxaana dhinaca kale jira warar sheegaya iney jiraan dagaalo toos ah oo dhexmaray ciidamo la socday dayuurado oo dhulka u soo degay iyo xoogaga Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weeraradan inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sida ay u dhaceen.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday degmada Bu’aale lala beegsaday saldhig ay ku sugnayaeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Warar kale, ayaa sheegaya in degmada Jilib agagaarkeeda lagu duqeeyey kolonyo ciidan oo ay wateen Al-Shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia oo inta badan sheegta duqeymaha noocan ah ayaan illaa hadda war ka soo saarin weerarkan, mana jiraan warar madax banaan oo ka waramaya khasaaraha ka dhashay iyo sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -