Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Ubax xasuuseed dhigay Taallada SYL (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May awgeed waxa uu Ubax dhigay Taallada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobanimo u dirirka ahayd ee SYL.

Wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliska, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhigga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobanimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad jeediyay ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed dalkan usoo halgameen ayna hormuud u ahaayeen xuriyadda maanta la heesto.

Sannad kasta maanta oo kale ayaa si weyn loo xusaa  xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May , maalintan ayaana ah mid umadda Soomaaliyeed qiimo badan ugu fadhisa oo horseeday in dalka ka xuroobo gumeestihii dalka kusoo duulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Sanadguuradii 77-aad ee Xuska 15-ka May (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: Xiisada Axmed Madoobe iyo DF oo ka dartay & digniin laga bixiyey doorashada Somalia

Caydiid Ali

Hotel uu Trump ku leeyahay Gobolka Illinois oo dacwad lagu soo oogayo

Caydiid Ali