Japan ayaa cambaareysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo is barbar dhig ku sameeyay weerarradii Mareykanka ee Iran iyo duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki ee lagu soo afjaray dagaalkii labaad ee adduunka.
“Duqeyntaas waxay soo afjartay dagaalka,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Arbacadii. “Ma doonayo in aan isticmaalo tusaale Hiroshima ah, ma doonayo in aan isticmaalo tusaale Nagasaki, laakiin taasi waxa ay ahayd asal ahaan wax la mid ah uun.”
Qiyaastii 140,000 oo qof ayaa ku dhintay markii Maraykanku ku tuuray bambooyinka atomiga ee labada magaalo ee koonfurta Japan bishii Agoosto 1945. Kuwa badbaaday waxay la nool yihiin dhaawac maskaxeed iyo khatarta kansarka oo kordhay ilaa maanta.
Haddii hadalka Trump “uu qiil u noqdo tuurista bamka atomiga, aad ayay noogu tahay wax looga shalaayo haddii aan nahay magaalo la duqeeyay,” ayuu yidhi duqa magaalada Nagasaki Shiro Suzuki.
Faallooyinka Trump waa “wax aan la aqbali karin”, ayuu yidhi Mimaki Toshiyuki, oo ka badbaaday bamka atomiga, isla markaana madax ka ah kooxda u doodda joojinta hubka nukleerka kuna guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
“Runtii aad ayaan u niyad xumaaday, waxa kaliya ee I haya waa xanaaq,” ayuu yidhi xubin kale oo ka tirsan kooxdaas, Teruko Yokoyama, sida uu sheegay Kyodo News.
Dadkii ka badbaaday weeraradii Nuclear-ka ayaa maanta oo Khamiis ah mudaaharaad ka dhigay Hiroshima, iyaga oo Trump ka dalbanaya in uu ka noqdo hadalkiisii.
Xildhibaanada Hiroshima ayaa sidoo kale Khamiistii meel mariyay qaraar ay ku diidayaan hadallada marmarsiiyada u ah isticmaalka bambooyinka Nukleerka, waxayna ku baaqeen in colaadaha hubeysan lagu dhameeyo si nabad ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com