Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa qiray in dagaalkii maalmaha kooban socday ee u dhaxeeyay dowladaha Iran iyo Israa’iil, in labada dhinacba uu kasoo gaaray khasaarooyin xooggan ay ku jiraan dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Donald Trump oo u muuqday mid si jees jees ah ula hadlaya Hoggaamiya Ruuxiga ee Ilaalada Kacaanka Iran Aayatullaah Cali Khamneni, ayaa ka dalbaday in dagaalka maamulka Israa’il la galeen iyo weerarkii Mareykanka runta ka sheego, maadaama uu yahay wadaad iimaan leh.
Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa sidoo kale qiray in milatariga Iran si xooggan u garaaceen dhulka Israa’iil ayna gaarsiiyeen khasaarooyin badan , taa oo soo dedejisay in Mareykanka uu raadiyo xal nabadeed oo dagaalka lagu joojiyo.
” Aaytullaahi Khamenei, adigu waxaad tahay nin iimaan leh. Waa inaad runta sheegtaa , si xun baad u jabteenm. israa’iil iyagana si xun baa loo garaacay” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump .
Madaxweyne Trump, ayaana sabab u noqday in dagaalkii u dhaxeeyay Iran iyo Israa’iil la joojiyo kuna dhawaaqo xabbadjoojin, kaddib markii ilaalada Kacaanka Iran duqeyn culus ku garaaceen saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Qatar inkastoo aan lasoo warin khasaaro ka dhashay duqeyntaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com