War cusub oo laga soo saaray xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta qado sharaf u sameeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ergada magaalada u timid inay ka qeyb galaan shirweynaha loogu diyaar garoobayo dhismaha Maamulka Galmudug.

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka hadlay qadada reer Dhuusamareeb u sameeyeen guddiga iyo ergada ayaa sheegay in kulanku ahaa is barasho iyo soo dhaweyn, waxa uuna ku dhiirri geliyay reer Galmudug inay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamareeb soo dhaweynta iyo marti gelinta ay u sameeyeen ergooyinka ka qeyb galaya shirka.

Waxa uu dhankiisa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siiyay oo ay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimada.

Xubno ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa kulanka ka sheegay in shirka uu furmayo maalmaha soo socda, ayna haatan heer gebogebo ah marayaan qaban-qaabadiisa.

Shirkan ayaa marar badan dib u dhacay ka dib caqabado kala duwan oo soo wajahay, iyadoo ay soo baxayeen saacadihii ugu dambeeyey khilaaf u dhexeeya guddiga dib u heshiisiinta Galmudug inkastoo markii dambe la beeniyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -