Bilyaneer Caan ah oo Sadex kamid ah caruurtiisa ku waayay qaraxyadii ruxay Sri Lanka

Qaraxyadii Axadii lagu weeraray dalka Sri Lanka Hoteelo iyo kaniisado kuyaala waxaa ku dhintay dad ka badan 90-qof, waxaana dadkaasi dhintay ku jiray dalxiisayaal ka kala yimid Wadamo kala duwan .

Dadka qaraxyada lagu weeraray hoteelada iyo kaniisadaha ku dhintay waxaa kamid ah sadex caruur ah uu dhalay Bilyaneer caan ah oo lagu magacaabo Anders Holch Povlsen oo u dhashay dalka Denmark.

Qoyska ninkan Bilyaneerka ah ayaa xiliga qaraxyada lagu dilayay booqasho iyo dalxiis ku joogay Dalka Sri Lanka, lamana shaacin wali magacyada sadexda caruurta ah uu dhalay Bilyaneerka ee ku dhintay Qaraxyadii Sri Lanka.

Anders Holch Povlsen ayaa dhalay afar caruur ah waxa uu sadex kamid ah ku waayay qaraxyadii Sri Lanka, waxaana xubno ku dhaw dhaw bilyaneerka sheegeen in si weyn u sameesay geerida ku timid caruurtiisa.

Maalqabeenkan ayaa iska leh dukaaman waa weyn oo lagu iibiyo dharka , waxa uu sidoo kale hanti iyo dhul badan ku leeyahay dalka Britian, warkan murugada leh ee ku saabsan qoyska maalqabeenkan ayaana qabsatay Warbaahinta Qaarada Yurub.

Qaraxyadii Axadii ruxay dalka Sri Lanka waxaa dadka ku dhintay ku jiray 36-qof oo ajaaniib ah oo u kala dhashay wadamo kala duwan, waxaana ku jira kuwa kasoo jeeda wadamada reer Galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -