Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Taliban oo ogolaaaday qorshe ka dhan ah Daacish oo loo soo jeediyey

Taliban ayaa ogolaatay inay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran kala shaqeyso amniga gobolka, kadib markii Kremlin-ka uu ka digay halisaha kooxda Daacish iyo ka ganacsiga daroogada.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalka ugu dhow Taliban tan iyo markii ay dib u qabsatay Afghanistan bishii August, halka Iran ay leeyihiin xuduud.

Baaqan ayaa kasoo baxay shir ka dhacay Moscow oo ay ka qeyb-galeen dalalkii horey uga tirsaan Midowga Soviet ee xuduudda la leh Afghanistan, Shiinaha, Ruushka iyo Iran.

Intii ay socdeen wada-hadallada oo ay goobjoog ka ahaayeen 10 dal ayaa waxaa lagu baaqay gargaar bani’aadaminimo oo deg deg ah oo lala gaaro Afghanistan.

Waxay sidoo kale dalalkaas dalbadeen in dalalkii dhowaan ciidamada kala baxay Afghanistan ee NATO ay maal-geliyaan dib u dhiska dalkaas.

Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka digay in kooxda Daacish ay isku urursaneyso Waqooyiga Afghanistan si ay kala qeybsanaan dhanka qowmiyadaha iyo diimaha ugu baahiso dalalkii horey uga tirsanaa Midowga Soviet.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikan ah oo ugu baaqday maxkamadda ICC in ay soo xirto Benjamin Netanyahu

Cabdi Cade

Wasiir si adag uga hor yimid Go’aankii Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Ruuska oo ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka nukliyeerka haddii Ukraine ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---